Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar si weyn ugu faafay baraha bulshada kuwaas oo sheegayay in dad kasoo jeeda Koofur Galbeed si afduub ah loogu hayo magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiye Faysal ayaa wararkaasi ku tilmaamay “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn,” isagoo xusay in dadka la sheegay inay afduub yihiin ay yihiin ehelka nin ku lug lahaa dil ka dhacay deegaanka Idaale ee gobolka Baay sanadkii 2007, kaas oo lagu dilay nin kasoo jeeda Gaalkacyo.
“Waa arrin qabiil ku heshiiyay. Magtii lama helin, markaas waxaa la go’aamiyay in dadka laga xiro ilaa laga helo magta. Ma jiro wax afduub ah ama sharci-darro ah,” ayuu yiri guddoomiye Faysal.
Wuxuu sidoo kale xusay in beelaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay si rasmi ah u oggolaadeen tallaabadaas, islamarkaana aysan jirin wax cabasho ah oo ka timid qoysaska la xiran.
“Reer Baydhabo, reer Jowhar iyo reer Kismaayo waa walaalo nagu ah, waana oggol yihiin in si caddaalad ah loo xalliyo arrintan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dood xoogan ay ka taagan tahay baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadka isticmaala ay ku eedeeyeen maamulka Puntland inuu si sharci-darro ah dad rayid ah ugu hayo xabsi. Eedeymahaas ayuu guddoomiye Faysal si cad u beeniyay.