Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay dacwadii xisbiga Sheekh Shariif

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Axmed Yuusuf ayaa VOA u sheegay in maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysiga dacwadda uu usoo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dacwadaas ayaa la xiriirtay xayiraddii safar ee dhamaadkii bishii September lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed xili uu kusoo jeeday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Guddoomiye Baashe ayaa ku dooday in Maxkamadda sare ay tahay mid madax bannaan oo dacwad qaadi karta, isla markaana aanay jirin cid u yeerin karta go’aammada ay maxkamaddu gaari doonto.

“Sharciga Garsoorka dalka waxaa uu qabaa haddii dacwad la soo gudbiyo inay u gudbiyaan cida laga dacwoonayay markii ay ka soo jawaabaana dacwada la guda galo” ayuu yiri Guddoomiyaja Maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media