Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir oo shaqo joojin lagu sameeyay

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed uu shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Garyaqaan Baashe Yuusuf ayaa shaqada looga joojiyay Muuse Macalin Maxamed oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in sababta shaqo joojinta loogu sameeyay Muuse Macalin ay tahay, kadib markii uu Khilaaf soo kala dhexgalay labada Guddoomiye, taasina ay keentay shaqo joojinta.

Sidoo kale xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ayaa waxaa sii-haaye looga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Howlwadaag Cabdisalaan Macalin Cabdi Guure.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media