Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo gaaray Degmada Wanla-weyn

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Safarka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ee Wanla-weyn ayaa waxaa ku wehlinayay Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo Saraakiil Ciidan waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Masamulka Degmada Wanla-weyn iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga.

Ujeedka Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute ee halkaas ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga Jawaabi ahaa Cabasho la xiriirta dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan  iyo dilal xun oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degmada Wanla-weyn, kuwaasi oo salka ku haaya aano qabiil..

Sidoo kale Colaada Wanla-weyn ayaa waxaa ku cusub Arrin dadka si weyn ay uga coroodeen, taasi ah  in Qof inta la dilay, kadibna dab la qabadsiiyay, sidoo kalena laga soo duubay Muuqaal laguna faafiyay baraha Bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka socda Wanla-weyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media