Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Baladweyne

Wafdi uu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Wasiiro iyo Masuliyiin kale ayaa ku soodhaweyey wafdigaan Garoonka diyaradaha, waxaana intaas kadib uu kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay kawada hadleen xaalada cakiran ee ka jirta Baladweyne.

Guddoomiye Maxamuud Macalim ayaa u kuur galay xaalada qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa socod ku maray buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply