Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban, Dr. C/risaaq Barre Jaamac ayaa shaaciyey inuu Ammaankooda khatar ku jiro, isla markaana ay isaga iyo xubnaha kale ee Guddiga soo gaareen Farriimo loogu hanjabayo.
Waxa uu hadalkaasi ku sheegay mar ay isaga iyo xubnaha Guddigaasi la kulmeen Ergyga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating oo ay ka wada hadleen Hawlaha Doorashadda iyo Khilaafyadda ka taagan Kuraasta lagu murunsan yhaay.
“Waxaa khatar ku jira Ammaankeenna, mana helno Mushaarad, waxaan nalagu leeyahay Kharajka Hoteelka” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban, C/risaaq Barre Jaamac oo ah Muwaadin Somali-Dutch.
Dhinaca kale, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan in albaabadda loo laabay Xafiiska Guddigaasi ku lahaayeen magaalladda Muqdisho, iyadoo Madaxda iyo Hawl-wadeenadda Guddigaasi maanta ka ambabixi doonaan Muqdisho.
Mas’uuliyiintaasi oo badankooda Qurbo-joog ah ayaa la sheegay inay sababo dhinaca Ammaanka u ambabaxayaan, mana kala cadda dalalka ay ku wajahan yihiin.
Warar an la xaqiijinin ayaa tilmaamayo in Guddoonka Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban ku wajahan yihiin Nairobi, lana filayo inay halkaasi si KMG uga sii wataan Hawlaha loo idmaday.
Ambabaxa Guddigaasi ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Beesha Caalamka, Mamul-gobaleedydda iyo Musharixiinta Madaxweynenimo si kulul u naqdiyeen 11-kii xubnood oo laga saaray Liiska Xildhibaanadda ku soo baxay Doorashaddii Maamul-gobaleedyadda ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Ergyga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa sheegay inay Guddigaasi horey ugu soo gudbiyeen Beesha Caalamka Liiska 23-xubnood oo lagu hayo Baaritaan qaabkii ay ugu soo baxeen Doorashadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Wuxuuna Guddiga weydiiyey go’aanadda ay ka qaateen 12-xubnood ee ka haray Shaqsiyaadka laga saaray Aqalka Hoose ee Barlamanka soo socda.
Si kastaba ha haatee, Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban ayaan jawaab waafi ah ka bixinin waxa sababay in aan la soo wada bandhigin magacyadda 23-ka xubnood ee ay dacwaduhu ku socdeen, lagana saaray Liiska Xildhibaandda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Cusub.
©Radio Dalsan