Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Oo Gaartay Dhuusamareeb

Wararka Idacada dalsan ay ka helayso magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya barqanimadii maanta in halkaasi ay gaartay guddoomiyaha guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka ay ku tagtay magaalada Dhuusamareeb iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in ay halkaasi ay kulamo kula qaadan doonto madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada oo saluug badan ka qaba arrimaha doorashooyinka,halka warar kalana ay sheegayaan in ay ka qeyb gelayso shirka ay ku madal sanyihiin madaxda dowladda iyo maamul gobaleedyada.

Haddii ay ka qeyb gasho shirka Dhuusamareeb waxa ay madaxda dowlada gobaleedyada u cadeyn doontaa hanaanka doorashooyinka dalka iyo sida ay u arkaan warbixintii ay baarlamaanka ka hor jeedisay oo maamul gobaleedyada qaarkood ay dhaliileen labada nooc doorasho oo ay soo gudbisay.

Tegitaankeeda Dhuusamareeb ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dalku uu gelayo marxalad kala guur ah oo la xiriirta doorashooyinka oo aan weli laga heshiin in kasta oo madaxda dowladdu ay sheegeen in doorashadu ku dhaceyso waqtigeeda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media