Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas, isagoona kala hadlay xaaladda Soomaalida ee dalkaas kunool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho dib ugu soo laabto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor