HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray waxa uu kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,isagoo Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa,ehelkiisa,golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray waxa uu kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,isagoo Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa,ehelkiisa,golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun Anigoo ku hadlaya magaceyga,kan Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Guud ahaan Xildhibaanada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, xildhibaanka uu ka geeriyooday,Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Allaha ha u naxriisto ,Kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo.

- Advertisement -

Xildhibaanka waxa uu ahaa qof wadani ah oo jecel horumarka dowladnimada Dalka,waxa uu ahaa shaqsiyadiisa qof af gaaban oo Mar walba cibaadada Alle ku dadaala,naxariis badan Alle ka cabsigana dadka ku waaniya Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo Anagana gadaashiisa nama fidneeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts