Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cambaareeyay Labadadii qarax ee Al-shabaab maanta ay ka geysteen Agagaarka Golaha Murrida iyo Madadaalada Qaranka (National Theater),wuxuu dadkii musiibadaas ku geeriyooday uu Alle uga baryay inuu Naxriistii jano ka waraabiyo eheladoodana uu Samir iyo iiman ka siiyo ,sidoo kalena kuwii ku dhaawacmay uu bogsiimo deg deg ah siiyo.
“Anigoo ku hadlaayo Magaceyga,kan guddoonka Golaha iyo sidoo kale kan Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan cambaareynayaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee Al-shabaab maanta ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Theater-Qaranka ,dadkii ku geeriyooday Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo kuwii dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha ha naga wada siiyo.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa uga mahad celiyay Hay’adaha ammaanka Qaranka dadaalada ay mar walba ugu jiraan ka hortaga Weerarada ka dhan ah Al-shabaab ay la damacsan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan u mahad celinayaa qeybaha kala duwan ee Ciidanka ammnaanka Qaranka oo u taagan difaaca sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed iyo fashilinta dhagaraha Al-shabaab.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Qaranka oo mar walba u taagan difaacooda si loo soo afjaro dhibaatooyinka Al-shabaab oo dhibaato ku heyso shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo ay garabkooda istaagaan Ciidanka ammaanka si looga adkaado dagaalamayaasha Shabaab ee fikradaha shisheeye ku shaqeeya mar walbana u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.