Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa Magacaabay Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa Cabduqaadir Cali Nuur Faracade loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Degmada Dayniile.
Sidoo kale Wareegtada uu soo saaray Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa lagu sheegay in lakala qaaday xilalka amniga iyo Siyaasada ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee Duqa Muqdisho.