Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Magaalada Riyaad & kulamo uu bilaabayo

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Saudi Arabia halkaas oo uga bilaawday booqasha rasmi ah oo uu ku joogi doono muda dhowr cisho ah.

Madax ka socotay Dowladda Hoose ee Riyaad iyo Safiirka Jamhuuriyada Soomaaliya u jooga dalka Saudi ayaa Magaalada Riyaad kusoo dhaweeyay Guddoomiye Madaale iyo Wafdigiisa oo uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo boqorka Magaalada Riyaad oo la filaayo in dhawaan ay kulan rasmi ah wada yeeshaan ayaa kawada hadli doono xoojinta iskaashiga iyo wax wadaaga ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Riyaad.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxa safarka uu ku tegay Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Saudi Arabia ayaa waxaa ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor