Guddoomiyaha G/Banaadir oo Magacaabay Guddoomiye Degmo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Cusub ee Wadajir loogu Magacaabay inuu noqdo Bashiir Maxamed Cali, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas  C/raxmaan Maxamed Cali.

Bashiir Maxamed Cali ayaa waxaa ay walaalo yihiin Guddoomiyihii xilka qaadista lagu sameeyay ee C/raxmaan Maxamed Cali, isla markaana waxaa la faray Bashiir Maxamed inuu shaqadiisa si toos ah u guto.

Tan iyo markii uu xilka Gobolka Banaadir qabtay Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa uu Magacaabay Guddoomiyeyaal Degmo, wuxuuna xilka qaadis ku sameeyay kuwo kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media