Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Air France oo sheegay inuusan Bam ahayn wixii laga helay Diyaaraddii caga-dhigatay Mombasa.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Air France, Frederic Gagey ayaa sheegay in bamkii lagu cabsi geliyey mid ka mid ah Diyaaradahooda ee sida dhaqsaha leh ugu degtay Garoonka Diyaaradaha Mombasa uu  ahaa digniin been ahayd.

Waxa uu intaasi ku daray inay Baarayaasha ogaadeen in waxa loo maleeyey qaraxa uu ahaa wax laga sameeyey warqad yar, Saacad iyo Sanduuq, iyadoo  qalabkaasi  laga helay mid ka mid ah Suuliga Diyaaradaasi oo ka timid Jesiiradda Mauritius, kuna sii jeeday magaalladda Paris.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 777 waxaa la socotay 473 qof, kuwaasi oo aan ka war haynin sababaha ay Diyaaradda ugu degatay magaalladda Mombasa.

Ciiddanka Ammaanka ee Kenya waxay su’aalo weydiinayaan 6 qof oo ka mid ah Rakaabkii Diyaaradda, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay iyagu mas’uul ka yihiin waxa la moodayey Bamka ee laga helay Suuliga Diyaaradda.air france bossmombasa airpot 4

MOMBASA AIRPORT 2 air france landing Mombasa

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor