Guddoomiyihii Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ee Somaliland Cali Xuseen Cali Somalia ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xilkii uu ka haayay degmadaas uu iska Casilay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta uu isku Casilay Guddoomiye Cali Somali oo Mas’uul ka ahaa Degmada Badhan ee Maamulka Somaliland.
Cali Somali ayaa waxaa la sheegay in uu ka hor yimid amar ka soo baxay Somaliland ee ahaa in weerar lagu qaado dowlad Goboleedka Puntland,hayeeshee uu diiday Go’aankaas,isla markaana uu is Casilay.
Dhawaan ayay aheyd markii Saraakiil ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa Gobolka Sanaag lagu amray inay weeraraan wafdi ka socda Puntland oo xiligaas ku sugnaa nawaaxiga Gobolka ay diideen amarka,iyagoona ku biiray dhanka Puntland sida wararku ay sheegayaan.
Gobolka Nanaag ee ku yaalla Wadooyiga Soomaaliya ayaa waxaa isku aheysta maamulada Puntland iyo Somaliland,waxaana halkaasi dhow jiir oo horey dagaallo xoogan ay ku dhexmareen Ciidamo kala taabacsan labada dhinac