Guddoomiyaha degmada Hodan oo Maanta xilkii laga qaaday

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu xilka qaadis ku sameeyey Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo,iyada oo xil kale loo Magacaabay .

Maxamed Axmed Cantoobo ayaa waxaa sidoo kale loo Magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir,kaas oo uu horay u haayey Saalax Xasan cumar oo isna Maanta loo Magacaabay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa si KMG ah waxa xilkaas loogu dhiibay ku xigeenkiisa.

Isbedelka uu wado Guddoomiyaah gobolka Banaadir,ayaa sidoo akle warar aan helnay waxa ay sheegayaan in uu saameyn doono gudoomiyeyaal badan oo uu guddoomiye Yariisow xilka qaadis ku sameyn doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor