Guddoomiyaha cusub ee Degmo ka tirsan Gobolka Bakool oo Maanta la doortay

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta ka dhacday doorashada Guddoomiyaha cusub ee degmadaas, waxaana doorashada dhacday ku tartamay laba Musharax.

Xubnaha Golaha deegaanka degmada Xudur ayaa doortay Guddoomiyaha degmadaas, oo ay doorashadiisa ay ku tartameen laba Musharax oo kala ahaa Cumar Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqano Atuu iyo Maxamed Macalin Axmed.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay oo Guddoomiyaha cusub ee degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Gobolka Bakool loo doortay inuu noqdo Cumar Cabdullaahi Maxamuud oo helay Codad gaaraya 17 Cod, halka Maxamed Macalin uu helay 10 Cod.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa doorashadii dhacday, waxaana Musharaxa laga guuleystay ee Maxamed Macalin Axmed uu ahaa Guddoomiyihii hore ee degmadaas Xudur.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor