Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gudi  ka shaqeeya kulanka  DFS Iyo Maamul goboleedyada , magacaabay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa magacaabay Guddiga Isu-keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, kaddib war saxaafadeed uu caawa soo saaray.

Magacaabida Guddigan ayaa daba socota baaqii Guddoomiye Cabdi Xaashi uu soo saaray maalmo ka hor ee ahaa in dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo daneeyayaasha siyaasadda inay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo wadatashi ah.

Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka kooban 9 Senator, iyadoo uu ku jiro Guddoomiyuhu, waxaa ka mid ah xubnaha ku jira Guddigan Senator C/raxmaan Faroole, Senator C/risaaq Jurile, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Xuseen Sheekh Maxamed, Senator Cusmaan Dufle, Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Senator C/llaahi Cabdi Garuun iyo Senator Muxiyaddiin Sheekh Cali Jaamac.

Sidoo kale Guddigan ayaa ka shaqeyn doona isu keenista Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyagoo diyaarin doona shir looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doonodoorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay  oo doorashada lagu galo.

Tallaabada uu qaaday Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka dhigan inuu qaatay doorkii Madaxweyne Farmaajo oo ku guuldareystay inuu isu keeno dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana jiray labo jeer oo sanad ka hor uu shirar ku baaqay oo ay qaadaceen Maamul goboleedyada.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media