Guddiyada Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo Maanta kulan gaar ah yeeshay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta kulan la qaatay xubnaha Guddiga Baarlamaanka Maamulka ee qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Guddiyada doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta howlaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa labada Guddi.

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa kulan ka sheegay inay labada Guddi horyaalan shaqooyin adeg oo loo baahan yahay in lagu qabto si Cadaalad ah.

Kulankaan ayaa kusoo aaday, iyada oo Guddiga uu Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ka codsadeen inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartameysa Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, si loo qabto doorashada.

Si kastaba Maamulka Jubbaland oo kaliya ayaa qabtay doorashada Aqalka Sare, halka weli uusan jirin dhaq-dhaqaaqyo kale oo ka socda maamul Goboleedyada oo ku aadan qabshada doorashadaas oo dib u dhac ku yimid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor