HomeWararGuddiga xalinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray mid ka mid ah kuraasta...

Guddiga xalinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray mid ka mid ah kuraasta Beesha Waceysle ee muranka ka taagnaa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka ayaa go’aan ka gaaray muran ka taagnaa kursi ka mid ah  saddexda Kursi ee Beesha Waceysle ku laheyd ee Aqalka Hoose ee yaallay Cadaado, kaasoo labo ka mid ah horay loo doortay, balse muran iyo is qab qabsi ka jiray kursiga saddexaad dib loo dhigay Tartankiisa. War qoraal ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka ayaa go’aan ka gaaray muran ka taagnaa kursi ka mid ah  saddexda Kursi ee Beesha Waceysle ku laheyd ee Aqalka Hoose ee yaallay Cadaado, kaasoo labo ka mid ah horay loo doortay, balse muran iyo is qab qabsi ka jiray kursiga saddexaad dib loo dhigay Tartankiisa.

War qoraal ah oo uu soo saaray Guddiga Madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayuu ku caddeeyay in Kursiga Beesha Absuge uu yahay kursi ay tartamayaan xubin rag ah, sidaas darteed Guddiga ayaa sheegay in Kursiga ay aheyd in haween ku tartamaan uu ahaa Kursiga Beesha Cali Gaaf.

- Advertisement -

Hase ahaatee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa awood u adeegsatay inay ka weeciso Kursigaas in haween u tartamaan, waxaana ay cadaadis ku saartay Guddiga doorashooyinka Galmudug in loo wareejiyo kursiga Haweenka kan Beesha Absuge.

Suldaanka Beesha Waceysle Maxamed Cabdi Shido oo ka mid ah 135 oday ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku cadeeyay in kursiga Beesha Absuge uu yahay midka ay ku tartamayaan ragga, isla markaana Kursiga Beesha Cali Gaaf uu ahaa kan la isku raacay in Haween ku tartamaan.

Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Gaaf ayaa waxaa ku guuleystay Saadaq C/kariin oo ahaa Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada, hase ahaatee waxaa uu galay afarta kursi ee shakiga la geliyay sax ahaanshahooda, kaddib markii warqad ka soo baxday todobaadki hore Safiirka Mareykanka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka walaac looga muujiyay doorashada ka dhacday Cadaado inay aheyd kuwo aan sax aheyn oo loo adeegsaday awoodo xad dhaaf ah iyo musuq maasuq.

- Advertisement -

Halkan hoose ka akhriso Warqada Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka:-

guddiga-doorashadda

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts