HomeWararGuddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxyadii Soobe2 oo Warbixino siiyay Golaha Wasiirada

Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxyadii Soobe2 oo Warbixino siiyay Golaha Wasiirada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda. Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 29kii bishii hore, ayaa golaha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadeen, iyagoo tilmaamay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 29kii bishii hore, ayaa golaha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadeen, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa , welina gurmadku socdo, isla markaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka  saaxiibada la ah Soomaaliya.

- Advertisement -

Golaha ayaa warbixin la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo tilmaamay in ay si xowli ku socdaan howlgallada xorreynta iyo xasillinta goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalo kale.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howllaha deyn cafinta iyo safarkii Wasiirka Maaliyadda uu ku tagey dalka Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts