Guddiga Qaran ee COVID-19 oo Digniin Cusub soo saaray

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, oo ka war bixiyay dadaallada ay wadaan guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta ay yeelan karto in bukaannadu qarsadaan cudurkaan halista badan ee laayaanka ah.

Dr Maxmed Cali Fuje waxuu caddeeyay in guddigu bixiyeen dadaallo guuleystay, si habsami lehna u socdaan howalaha xarumaha caafimaadka ee loo diyaarshay in dadka lagu baaro, kuwa bukaannada lagu daweeyo iyo xarunta xariirka COVID-19 ee bulsha lagula socodsiiyo talooyinka ay u baahanyihiin, sidoo kalana looga gurmado dadka u baahan gurmadka degdegga ah.

Dhaqtarka ayaa ku celiyay in dadaalkaas oo dhan sababta loo bixinayo ay tahay in kor loo qaado heerka bed-qabka bulshada, hase yeeshee hadii dadku ay qarsadaan cudurka oo aysan tegin goobaha baarista oo aysan raadsan talooyin caafimaad, ay keeneyso in cudurku uu sii faafo, oo dhibaato uu gaarsiiyo dad badan oo la badbaadin kari lahaa.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19 ayaa ku taliyay in qof kasta oo isaga shakiya cudurkaan uu la xariixo xarunta xariirka COVID-19, lana raaco talooyinka la siinayo, si guul looga gaaro dadaallada naf-baadinta ee lagu doonayo inay daryeel buuxa ku helaan dhammaan ummadda Soomaaliy.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media