Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo Maanta hortegaya Golaha Shacabka

Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxaa kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelanayaan xarunta Villa Hargeysa ee ku dhextaalla madaxtooyada Soomaaliya.

Ajandaha kulanka ayaa ah Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo sii wedidda akhrinta 2-aad ee Sharciga doorashooyinka ee ay soo gudbiyeen guddiga KMG ah ee golaha Shacabka.

Doodaan ayaa ah mid aad u kulul iyada oo dhamaan xildhibaanadu ay aragtidooda ku aaddan sharcigaan ay ka hor jeedinayaan golaha shacabka ee Soomaaliya iyaga oo intaas kadibna go’aan ka gaaraya si loo xaqiijiyo nooca doorasho ee ka dhacaysa dalka marka lagaaro 2020 2021.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media