Guddiga loo saaray shaqaaqadii Dhuusamareeb oo War hordhac ah soo saaray

Guddiga Saraakiisha ka kooban ee loo saaray baaritaanka iyo xaqiiqo raadinta dagaalkii maanta ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada NISA iyo kuwa Haramacad ayaa wada kulamo xiriir ah oo ay la yeesheen Saraakiisha labada dhinac ee Dagaalamey oo wax laga waydiinayo mas’uuliyada Dagaalka dhacay iyo sida uu ku bilowday.

Gudigga ayaa si hordhac ah u xaqiijiyay in Ciidamada Dowlada ee dagaalamay ay soo gaareen dhaawacyada 6 Askari, sidoo kale qof shacab ah ay wiiftu ku haleeshay Masjidka Al-Raxma xili uu ku jiray salaada Duhur, tirada guud ee dhaawacyada ayaa ah Todobo ruux.

Waa dagaalkii labaad ee Dhuusamareeb ku dhexmara ciidamada Dowladda tan iyo markii xilka Galmudug loo doortay Madaxweyne Cabdi Kaariye Qoorqoor, wuxuuna dagaalkaas kusoo aaday, xili Madaxda ugu sarreeysa Maamulkaas ay ka wada maqan yihiin Dhuusamareeb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media