Guddiga Joogtada oo Go’aan ka gaaray Cidda noqoneysa ku-simaha Madaxweynaha Puntland

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana kulanka looga hadlay Khilaafka soo kala dhex-galay Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Puntland.

Khilaafka soo kala dhexgalay labada Golle ee Puntland ayaa  waxaa uu yahay mid la xiriira Cidda noqoneysa ku-simaha Madaxweynaha Puntland markii labada Mas’uul ee ugu sareysa Puntland ay maqan yihiin dalka.

Kulanka kadib Guddiga Joogtada ayaa oo saaray Go’aan ah in ku-simaha Madaxweynayha Puntland ay awood u leeyihiin Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka Puntland.

Hoos ka Akhriso Go’aanka ay soo saareen Go’aanka Guddiga Joogtada ah,

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADU;

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Dawladda Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Dawladda Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005.

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.

MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

  1. In Hannaanka Dawladda Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media