Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo laalay Mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari

Guddiga joogtada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho kaib markii tiro xildhibaano ah ay saakay arroortii gudbiyeen mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay arrinta ku saabsan mooshinka,waxana gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey laga dalbaday in uu soo gudbiyo tirade saxda ah ee moohsinka u gudbisay.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Muudeey uu ku adkeystay in tirade mooshinka soo gudbisay ay yihiin kuwi loo baahnaa,intaasi kadibna Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ay dib u celiyeen mooshinkii laga keenay guddoomiye Jawaari oo ay sheegeen in la waayay tiradii loo baahnaa oo aheyd 93 Mudane laakin la helay 91 mudane.

Guuxa mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo ifbaxay sakay waaberigii,waxana haatan uu yahay mid burburay,waxana mudo 6 Bilood ah aan laga keeni Karin wax mooshin ah.

 

About Radio Dalsan Reporter

View all posts by Radio Dalsan Reporter
%d bloggers like this: