Wafdigaasi oo Wakiil ka ah Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Silaanyo ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana la dejiyey Hotelka Jaziira Palace ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Weriye ka tirsan Radio Dalsan oo arkay Wafdigaasi ayaa xaqiijiyey inay Booqashadooda ku soo aaday meel Xasaasi ah, isla markaana laga cabsi qabo inay ku milmaan ama ay saamayn ku yeeshaan 60-ka Xildhibaan ee ay Beelaha Waqooyi ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Booqashadda Wafdigan oo aan la shaacinin waxay Kulamo qarsoodi ah la yeesheen Mas’uuliyiin iyo Madax ku sugan Muqdisho, oo ay kala hadleen Qaddiyadda Gooni-goosadka ee Somaliland.
Warar ayaa waxay sheegayaan in Booqashadooda salka ku hayso Wada-xaajoodkii DFS iyo Maamulka Somaliland ee hakadka galay.
Qoddob ka mid ah Is-fahamkii horey loo gaaray ayaa la sheegay inuuahaa haddii wax horumar laga gaari waayo Wada-xaajoodkaasi in muddo 10 sanno gudaheeda loo oggolaan doono Gooni-isku-taagga Somaliland.
Dhinaca kale, xubno ka tirsan Wafdiga Ictiraaf-raadiska ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Adna Aadan Ismaaciil waxay Kulan aan la shaacinin horey magaalladda Jabuuti Kulamo kula yeesheen Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha XFS, Maxamed CumarCarte iyo Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Ictiraaf-raadiska iyo Wasiiradda ka tirsan Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa u muuqda kuwo u gogol-xaarayo in la isla meel dhigo Gooni-goosadka, inkastoo warar kalena sheegayaan inay Wafdigaasi galaangal u geli doonaan sidii ay Xilal uga heli lahaayeen Dowladda Federalka ee soo socota.
©Radio Dalsan