HomeWararGuddiga Doroashooyinka oo shaaciyay Xiliga rasmiga ah ee ay billaabanayso doorashada Golaha...

Guddiga Doroashooyinka oo shaaciyay Xiliga rasmiga ah ee ay billaabanayso doorashada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey. Guddiga ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.

Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqayaa guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.

- Advertisement -

Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsanayaa in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.

Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid.

- Advertisement -

Guddiyadu waxay ugu baaqayaan madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.

Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynayaa dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor.

Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqayaa madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo  daneeyayaasha  taageeraya  Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts