Guddiga doorashooyinka oo safiirka Ingiriiska u bandhigay caqabado ku gadaaman doorashada dalka

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo guddiga ka tirsan ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.

Guddiga iyo Ambassador Kate ayaa ka wada hadlay doorashada iyo caqabadaha ku gadaaman, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dhameystirka doorashada.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota Magaalooyinka dowlad Goboleedyada,iyadootan iyo markii muqdisho lagu kala saxiixday Shirkii Golaha wadatashiga qaran ay muuqdaan dardargalin ku aaddan hannaanka doorashooyinka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor