Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo beeniyey inay joojiyeen Doorashada dalka

Waxaa dhowr daqiiqo kahor baraha Bulshada lagu faafiyey Warqad lagu sheegay inay kasoo baxday Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa heer dowlad Goboleed laguna joojiyay doorashooyinka dalka.

Hayeeshee Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Bogga Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa been abuur lagu tilmaamay warqadan lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegayo in Guddiga FEIT iyo SEIT ay hakiyeen doorashada.

Sidoo kale Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Bulshada Soomaaliyeed u caddeeyay in aysan qayb ka ahayn warqadan oo dhawaan baraha bulshada lagu faafiyay,  ayna wax shaqo ah aysan ku lahayn.

Warqada la beeniyey ayaa waxaa ku qornaa in Guddiyada doorashoyinka heer Maamul goboleed (SEIT) iyo heer Federaal (FEIT) ay dacwo u gudbiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Warqada ayaa lagu sheegay in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay Guddiga xalinta khilaafaadka, isla markaasa waxay shaqeeyeen in loo geystay tacadiyo ka dhan ah amnigooda.

Hoos ka Akhriso Warqada la beeniyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor