Guddiga Doorashada Maamulka Jubbaland oo shaaciyay Jadwalka kuraas hor leh

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa xalay shaaciyay Jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi deegaan doorashadooda tahay  Jubbaland.

Guddiga doorashada Jubbaland oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso 21-ka bishaan Febraayo oo ku beegsan maalinta berri oo Isniin ah.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in doorashada shanta kursi ay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dhaceyso 22-ka Febraayo, sida lagu caddeeyay Jadwalka uu soo saaray Guddiga doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor