Guddiga Doorashada Jubbaland oo fuliyay Codsi uga yimid Beesha Caalamka

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee xuduudaha iyo Doorashoyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi ah,isla markaaa aad loogu falanqeeyay arrimaha Doorashooyinka iyo howlaha soo qabsoomay iyo caqabaha weli heysta Guddiga Doorashada.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoonka uu la wareegay hawsha hannaanka qabashada Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Go’aankan ayaa yimid kadib codsi ka yimid Beesha Caalamka,kaasi lagu sheegay in Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland uu door muuqda ku yeesho qabashada Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in ay Kismaayo ka qabsoonto khamiista soo socota ee taariikhdu ku beegantahay 22-8-2019.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media