Guddiga diyaarinta Warbixinta COVID-19 oo su’aalo weydiiyay Wasiir Fowsiya 

Guddiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalkam Soomaaliya ee loo xilsaaray soo diyaarinta Warbixin ku saabsan saameynta Cudurka halista  ee COVID-19 ayaa Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka.

Guddiga ayaa xubnaha Wasaaradda ay kulan la qaateen waxaa hogaamineysay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fowsiya Abiikar Nuur, iyagoona ka wada hadlay arrimo la xiriira saameynta Cudurka ku yeeshay dalka.

Inta uu socday ayaa waxaa su’aalo Wasaaradda looga weydiiyey arrimo ay ka mid yihiin saameynta Cudurka Coronavirus ku reebay Dalka iyo qaabkii ay u maamushay ama ula falgashay Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Farhia Mumin Ali, waxaana la isaga dhageystay warbixino ku aadan saameyntii xanuunka uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 11-xubnood ayuu Guddoomiyaha Golaha  Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal u xilsaaray soo dhaweynta warbixin ku aadan saameynta Cudurka uu ku reebay dalka, iyagoona warbixinta horgeyn doona Golaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media