Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka iyo Madaxda Puntland oo kulan yeeshay

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa la Kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cilmi Islaam Karaash.

kulanka uu guddiga la yeeshay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ahaa in guddiga la wadaagaan sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa kaga mahadceliyay guddiga sida wanaagsan ay ugu sharaxeen sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeyntii kulanka uu guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka la yeeshay madax-weynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media