Guddiga difaaca iyo Amniga Aqalka Sare oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada

Kulankaan oo  la-tashi ahaa ayaa Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ay la qaateen Taliyayayaasha Ciidamada Qalabka ,waxaa looga hadlayay Hinse-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka ciidamada qalabka sida ayada oo uu kulanka furay gudoomiyaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan waxana uu akhriyay Hindise-sharciyeedka isagoo intaa raaciyay in ay muhiin tahay fikirka ciidamada qalabka oo sharcigan lagu dhaqi doono .

Senatar Axmad Xaashi Maxamuud Xoghayaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS iyo Senatar Cabdirisaaq Axmed Cali oo Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare katirsan ayaa qodobada qaar sharaxaad ka bixiyay.

General Jaamac Maxamed Qaalib oo horay Dalka uga soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ka mid tahay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Sareeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable Bayloot oo ah khabiir dhinaca ciidamada ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka iyo qaabka ugu haboon ee ciidamada qalabka sida sharcigaan loogu samayn lahaa .

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Guddiga Difaaca Iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka sida ay kulanka wada tashiga ah ay ula yeesheen ciidamada iyagoo isku raacay in wakhti la siiyo si ay ugu soo eegan oo ay talo ugu soo biiriyan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media