Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo kulan Xasaasi ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ).

Kulanka waxaa shir-gudoominayey Guddoomiya Guddiga Difaaca Mudane Yuusuf Geelle Ugaas muhiimada kulanka looga hadalaayey wuxuu ahaa xaalada dalka uu ku jiro iyo dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.

kulanka oo waqti badan qaatay ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo xasaasi ah gabagabadii kulanka waxaa wasiirka iyo guddiga isku afgarteen  in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor