Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka G/Wakiillada  Puntland oo dabagal ku sameeyay Wasaarado

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyaddamaamul Goboleedka Puntland Abshir Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal Cabdiwali Xassan Nuur iyo Maamulaha Cashuuraha Beriga ee Gobolka Nugaal Sharmaarke Maxamed Warsame.

Guddiga ayaa ka xog wareystay habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyey masuuliyiinta arrimahaas, Guddiga ay kula dardaarmay in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media