Goodax Barre oo weerar afka ah ku qaaday Cali Guudlaawe

Wasiirkii hore waxbarashada Dowladda Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka, gaar ahan Maraxaladda dalku hadda marayo ee la xariira arrimaha doorashooyinka dalku gali rabo.

Waxaana uu si qoto dheer ah kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xubnaha Mucaaradka ah ee u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu eedeymo xooggan u jeediyay, waxaa sidoo kale uu dhaliilay qaabka dowladdu wax u waddo isagoo carrabka ku dhuftay in Dowladdu ay waddo tallaabooyin u muuqda Qalalaase Siyaasadeed.

Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlayay Xildhibaanada Cusub ee lasoo dhisayo ayaa sheegay in Xildhibaanada soo socdo ay noqon doonaan kuwo ay Al-Shabaab ay ku lugyeelan doonaan, waxaana uu intaas ku daray in ay soo bixi doonaan Xildhibaanno Al-shabaab ah oo lagu soo dhex-qariyo Baarlamaanka Cusub ee soo socda, waxaana taas uu u sababaeeyay in uu jiro Isku dhex-yaac baahsan iyo isku Mashquulid u dhexeysa Dowladda iyo Xubnaha mucaaradka ah.

Dhanka kale Goodax Barre Wsiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumaddi Xasan Cali kheye ayaa weerar afka ah ku qaaday Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana uu sheegay in Maamulkaasi uu yahay mid horay u fashilnaa haddana fashil kii hore ka daran lugaha la galay, Waxaana taasi uu u sababeeyay Cali Guudlaawe oo uu sheegay in uu yahay Nin Qabiil balse uusan ahayn Madaxweyne u qalma in uu Hir-Shabeelle mideeyo.

Hadalka Goodax Barre ayaa kusoo aadaya iyadoo Maamulka Cusub ee Hir-shabeelle uu la kulmayo dhaleecayn iyo sidoo kale Qalalaase isku baddalay dagaal, waxaana Gobolka Hiiraan ka socda tallaabooyin ka dhan ah Maamulka uu hoggaamiyo cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo Bannaanbaxyo loogaga soo horjeedo Maamulka Hirshabeelle ay ka socdaan Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media