Xoghayaha Guud ee Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin   Dr. Cali Alnaciimi ayaa baaqaasi ka jeediyey Shirweynaha xubnaha Golahaasi uga socda Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Al-azhar oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Dr. Cali Alnaciimi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la  qabto Shirweyne looga hadlayo Dib-u-heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay dhisayaan Gole isku keena Culumaa’udiinka Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan Dib-u-heshiisiinta iyo  Danaha Qaranka.
Dhinaca kale, Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin   waxaa looga wada hadlay Weeraradda Argagixisadda, iyadoo lagu baaqay in laga hortago in Magaca Islaamka lagu waxyeeleeyo dad aan waxba galabsanin..
Hormuudka Jamaacadda Alazhar, Dr. Axmed Dayib oo shir-guddoominyey Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  ayaa tilmaamay inaysan Diinta Islaamka wax lug ah ku lahayn Falalka Kooxaha Argagixisadda, wuxuuna xusay inuu Islaamku diidan yahay Argagixiso ama Irhaabka.
Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin waxaa Somalia uga qeyb galay Wasiirka Awqaafka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Cabdulqaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi)
Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  waxay kaloo shalay shir la yeesheen Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsiisii oo ay ku bogaadiyeen sida ay Dowladiisa culayska u saartay in wax laga qbato falalka Argagixisadda.
Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  waa Gole Marjac oo ay Caalamka Islaamka asaaseen bishii July ee sannadkii hore, waxayna Xaruntiisa Dhexe ku taallaa magaalladda Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta