Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka.
Sharciga iibka qaranka ayaa dib-u-eegis lagu kadib waxaa lagu sameeyay horumarin wayn si hannaanka iibka qaranka loo casriyeeyo uuna u noqdo mid ka tarjumaya dawlad wanaag iyo hufnaan laguna saleeyo qorshaha iibka qaranka.
Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ansixinta sharciga kadib waxa uu golaha uga warbixiyay shirarkii uu uga qayb galay Nairobi iyo Qaahira ee looga hadlayay cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, dakhi aruurinta, xakamaynta qarashaadka iyo shilinka Soomaaliya, isaga oo sheegay in meel wanaagsan uu marayo geedo socodka dayn cafinta dalka.
Kulanka golaha ayaa sidoo kale lagu meel mariyay heshiiskii magaalada Lusaka ee dalka Zambia lagu gaaray ee Soomaaliya ay kula biirtay Suuqa ganacsiga ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA).
Golaha ayaa falanqayn kadib waxa ay ansixyeen heshiiska ku biiritaanka suuqa ganacsiga bariga iyo koonfurta Afrika oo ah suuq ay ku midaysanyihiin in ka badan 20 dawladood oo Afrikaan ah kaas oo ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre uu xubinnimada Soomaaliya ku saxiibay magaalada Lusaaka Julay 19, 2018.
Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Intii uu kulanku socday, wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa golaha uga warbixiyay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee madaxwaynaha dawlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed sida ay uga qaby gaateen taabba gelinta doorashada, waxa ayna sidoo kale hambalyeeyeen madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay u rajeeyeen in uu ku guulayso mas’uuliyadda horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed iyo qaybta uga aaddan horumarka guud ee dalka.
Wasiirka amniga gudaha maxamed Abuukar Islaawn(Ducaale) ayaa isna golaha wasiirrada warbixin ka siiyay amniga guud ee dalka iyo dadaallada loogu jiro xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisadda ee Shabaab iyo Daacish.