Ra’iisul Wasaare Xamse oo Golaha Wasiirada Warbixin ka siiyay safarkiisii Aadan-yabaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay safarkiisi degmada Aadan Yabaal oo shalay isaga iyo wafdigiisa uu si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Xamse ayaa ka warramay xaaladda nololeed ee degmada oo uu sheegay in Al-shabaab dhibaatooyin u geysteen shacabka, isla markaana maanta ay dib u heleen xorriyad buuxda.

Wuxuu ku boggaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee macwiisleyda sida ay ula wareegeen Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo muddo ka badan 15-sanno ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale isna Golaha Wasiirrada warbixin siiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane, Salah Jama, oo ka warramay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger, Jabuuti iyo Angola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dheelitirka horumarka dhaqaalaha dalalka Afrika.

Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu soo bandhigay laba hindise sharciyeed oo ay Golaha u soo bandhigeen Wasaarada Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor