Golaha Wasiirada oo Maanta kulan Deg-deg ka yeeshay xaaladda abaaraha dalka

Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya ayaa Maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda abaaraha dalka gaar ahaan xaaladda ka taagan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Kulan oo uu shir guddoominayay sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo yaridu soo food saartay.

Golaha Wasiirada oo kulankooda ku qabsoomay aalada ZOOM-ka ayaa isla gartay in si deg deg ah Gargaar loogu gaarsiiyo dadka ay heystaan xaaladaha adeg ee kunool deegaano farabadan oo ka tirsan Gobolada Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa Guddi Wasiiro xil saartay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanada ay ka jiraan Abaaraha iyo biyo la’aanta ee dalka, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha binu aadantinimo ka taagan yihiin.

Abaar darran ayaa laga soo weriyay deegaanada Gobolka Gedo oo saameysay dadka iyo xoolaha, waxaana go’ay ceelasha biyaha laga heli jiray, ayna dadka heysato xaalad nololeed oo ay u baahan yihiin in si deg deg ah wax loogu qabto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor