Golaha Wasiirada india oo ansixiyay Sharci ogolaanaya in Maxaabiista Soomaaliyeed loo soo wareejn karo dalkooda

Golaha wasiirada India oo uu shir guddoominayay Ra’iisulwasaare Narendra Modi ayaa ansixiyey sharci ogolaanaya in maxaabiista Soomaalida ee xabsiyada dalkaasi ku jira loo wareejin karo dalkooda, tani ayaa waxa ay ka dambeysey heshiis labada dal ay galeen oo sidoo kale India loogu wareejinayo wixii maxaabiis ah ee dalkaasi u dhashay oo Soomaaliya ku xiran.
Waa talaabo guul ah oo ay qaaday dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Yuusuf Garad Cumar Wasiirka arrimaha dibada dowladda Federaalka Soomaaliya kadib dadaalo farabadan oo uu sameeyay.

 

Dalka India waxaa hada Xabsiyada ku yaalla ku jira Dhalinyaro Soomaaliya oo Maxkamada India ay Xukuntay iyadoo ku eedeeysay in ay ka tirsan yihiin Burcad Baddeeda Soomaalida.

hadii ay talaabadan hirgasho ayaa waxaa laga sugayaa Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) balan qaadkii uu sameeyay xiligii Xafladii Caleema-Saarkiisa kaas oo ahaa in uu bixin doono kirada Diyaaradii lagu soo qaadi lahaa dhalinyarada ku xir xiran dalkaasi India.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media