HomeWararGolaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay Miisaaniyadda 2020

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay Miisaaniyadda 2020

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir Guuddoominayay shirkan, iyadoo goob joog uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen ayaa looga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Miisaaniyada 2020, Qatarta Cudurka Saameynta ba’an ku hayo ee Coronovirus, sidii bulshada looga wacyi galin lahaa qatartaas iyadoo Warbixino laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir Guuddoominayay shirkan, iyadoo goob joog uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen ayaa looga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Miisaaniyada 2020, Qatarta Cudurka Saameynta ba’an ku hayo ee Coronovirus, sidii bulshada looga wacyi galin lahaa qatartaas iyadoo Warbixino laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada Hirshabelle.

Golaha Wasiirada Goboleedka Hirshabelle ayaa kulankan ku anisixiyay Miisaaniyadda 2020 oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo dowladda dhexe iyo hay’adaha caalimiga ah, waxaana ay gaareysaa miisaaniyadaasi $14,010,984 “Afar iyo toban malyan toban kun iyo sagaal boqol iyo siddeetan iyo afar dollar”.

- Advertisement -

Sidoo kale Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa si qoto dheer ugaga hadlay saameynta cudurka qatarta badan ee Coronovirus, iyagoo isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka wacyigelinta bulshada cudurkaas,waxaana la joojiyay dhammaan goobaha waxbarashada sida jaamacadaha, iskuulada iyo dugsi qur’aanka muddo labo toddobaad ah.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa loo gudbinayaa miisaaniyada ay golaha wasiirada maanta ansixiyeen si ay ugu codeeyaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts