Golaha Shacabka oo loo qeybiyay xeerarka dhameystirka Doorashooyinka

Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka Sharciga Doorashoyinka Qaranka ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u qeybiyay xeerarka ee dhameystirka doorashooyinka oo ay soo diyeen.

Guddiga ayaa Xildhibaanada u qeybiyay 4 xeer , kuwaasi oo kala ah Xaqiijinta Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka Federaalka, Qoondada Haweenka iyo Habka Nidaamka Doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer.

Warbixinta Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay isku raaceen in Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir laga siiyo 7, isla markaana wax laga bedeli doono qodobka 72aad ee Dastuurka, sababo la xiriira 7-da kursi ee Gobolka la siiyay.

Hoos ka Akhriso Xeerka loo qeybiyay Xildhibaanada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media