Golaha Milliteriga Dalka Suudaan oo la kala diri doono

Madaxa Golahaasi, Jeneral C/fataax Burhaani ayaa sheegay in Golaha la kala diri doono isla marka la dhiso Maamulka cusub ee Awood-qeybsiga ee maamuli doona dalkaasi.

Jeneral Burhani oo ka hadlay Telefishinak Qaranka ayaa sheegay inay suurtogal tahay inay Golaaha Milliteriga ka baxaan Dowladda cusub, marka ay dhamaystaan xilli hoggaamintooda 21-ka bilood ee ay majaraha u qaban doonaan dowladda cusub.

Golaha Milliteriga iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka waxay isbuucii hore ku heshiiyeen inay Awoodda qeybssadaan iyo dhismaha Dowladda awoodda sii hayn doonta saddexda sanno ee soo socota, ka hor inta aan la qabanqaabin Doorashadda Madaxtinimadda iyo Barlamaanka ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Dowladaha Maraykanka, Britain, Scauudiga, Imaaraadka iyo Ethiopia ayaa la sheegay inay cadaadis ku saareen Golaaha Milliteriga iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka inay gaaraan Heshiis Awood-qeybsi, si loo soo afjaro Khilaafka Siyaasadeed ee Sudan.

Heshiiskaasai ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in Xilliga Kala-guurka ee Dimuqraadiyadda dalka Sudan, kadib, markii ay Milliteriga talada ka tuureen Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cumar Xasan Albashiir bishii April ee sannadkan.

Comments
Loading...