Guddiga Khubarada Baarayaasha Qaramada Midoobey oo sheegay in Laaluush la siiyey Xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee soo doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Guddiga waxay arrintaaai ka sheegeen Warbixin ay xalay u gudbiyeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM, waxaana Warbixinta lagu xusay in la hayo caddaymo muujinaya in Maaliyad lagu bixiyey Doorashadaasi iyo Natiijadii ka soo baxay, taasi oo sanadkii hore ka dhacday Magaalada Baydhabo.
Guddiga Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta hubka saaran ee Somalia waxay kaloo walwal ka muujiyeen in 82 Xildhibaanadda Koonfur Galbeed bilowgii bishii Novwmber ee sanadkii hore loo soo duuliye Muqdisho, lana siiyey midkiiba 5000 Dollar, isla markaana Loo ballan qaaday 30-kun oo lacag dheeraad ah si ay u taageeran Musharaxii Khaaska ahaa ee wadatay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Warbixinta Khubarada waxay dib u eegeen Warbixin Maaliyadeed oo uu u soo gudbiyey Wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo Muujinaysa wadarta guud ee lacagaha lagu bixiyey Xildh. KG oo gaartay dhowr boqol oo kun oo Dollar.
Si kastaba Doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo sanadkii 2018 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaasi oo ay wadatay dowladda Soomaaliya, isla markaana Doorashada kahor iska Casilay xilka Wasiirka Tamarta iyo biyaha Xukuumadda.