Golaha Aqalka sare oo diiday Doorasho ka dhaceysa Itoobiya

Aqalka sare baarlamaanka Itoobiya ee la yiraahdo house of federation ayaa diiday doorashada ay doonayaan in isbuuca soo socda ay qabtaan ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya .

Kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay aqalka ayaa lagu sheegay in talaabada ismaamulka Tigreega ay xad gudub ku tahay sharciga iyo dastuurka Itoobiya islamarkaana aan la aqbali Karin .

Doorashooyinka guud ee Itoobiya oo lagu waday in ay dhacaan bishii naga idlaatay ee Agoosto ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira cudurka karoona mudo sagaal bilood ah .

Ismaamulka Tigreega ayaa arintaasi diiday oo sheegay in ay doorashada qabsanayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media