Golaha Aqalka Sare ee Dalka oo Maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda ku taalla Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Aqalka Sare ee dalka ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-Bishan Luuliyo 2019 ayaa waxaa uu yahay Xaqsiinta Ciidamada dowladda iyo ka doodista sharciyeedka Batroolka,kaasi oo ay horey u ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan inuu jiro kulan,isla markaana laga doonayo inay ka soo qey galaan.

Todobaadkii la soo dhaafay Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Akhrinta Kuwaad Marsiiyay hindise sharciyeedka shirkadaha, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media