HomeCaalamkaGolaha Amniga ee QM oo Cod u qaadayo qaraar xabbad-joojin looga sameeyo...

Golaha Amniga ee QM oo Cod u qaadayo qaraar xabbad-joojin looga sameeyo Gaza

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo jimco ah u codeynaya qaraar qabyo ah oo ka yimid Mareykan ,isla markaana ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza,taasoo  xiriir la leh siideynta dhammaan la haystayaasha dhinacyada Israel iyo Flastiin. Waxyaabaha ku qoran qaraarkaan ayaa waxaa kamid ah baahida loo qabo in xabbad joojinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo jimco ah u codeynaya qaraar qabyo ah oo ka yimid Mareykan ,isla markaana ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza,taasoo  xiriir la leh siideynta dhammaan la haystayaasha dhinacyada Israel iyo Flastiin.

Waxyaabaha ku qoran qaraarkaan ayaa waxaa kamid ah baahida loo qabo in xabbad joojinta loo arko fursad lagu abuurayo xaalad sii waarta oo lagu joojiyo colaadaha iyo in la helo xalka laba dowladood oo ku wada nool si nabad ah.

- Advertisement -

Waxa kale oo loogu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ,gaar ahaan kan bini’aadanimada, ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaale.

Qaraarkan qabyada ah ayaa ka soo horjeeda barakicinta qasabka ah ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku nool Gaza,waxaana sidoo kale qoraalka lagu xustay in Gaza ay qayb ka tahay dhulkii la qabsaday 1967.

Qaraarka qabyada ah Waxaa loo yaqaan  “E-10”, waxa uuna ku baaqayaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

- Advertisement -

Codeynta kadib xubnaha la doortay ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale diyaarin doona qaraar qabyo ah oo ku saabsan xaaladda Gaza,gaar ahaan dhinacyada xabad joojinta,ilaalinta dadka tayidka ah iyo gaarsiinta sahayda bini’aadanimo ee deegaanada Gaza.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts